Raiisul  wasaaraha Dowlada Soomaaliya Dr.C/wali Maxamed Cali gaas ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta caalamka waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in soomaaliya loo dhiibayo nin Africaan ah oo dusha Sare ka maamuli doona kadib shirka London.

Dr. C/wali Gaas oo ka hadlayay hadal mudooyinkan ay isla dhexmarayeen Dadka Soomaalida oo la xiriira in dalka Soomaaliya uu kor ka maamuli doono mid ka mid ah Madaxweynayaashii soo maray Qaarada Afrika kaasi oo ay hoos imaan doonan Madaxda Dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay warkaasi mid aan la qaadan Karin.

Qarnigan la joogo ee 21aad qof caafimad qaba kuma fekeri karo in Dalka Soomaaliya Dusha ay ka maamulaan dad ajanabi ah warkaasina waa mid aan u cuntamin dadka Soomaalida sidaas waxaa yiri Raiisul wasaare Gaas

Dhageyso Raiisul wasaaraha oo ka hadlaya

Raiisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Qaban qaabiyaasha shirka London ay arintaasi wax ka weydiinyeen islamarkaasina arintaani ay noqotay mid waxba kama jiraan iyadoo uu raiisul wasaare Gaas ku tilmaamay in arintaasi ay tahay hadal la iska yiri.

Dhawaan ayay ahayd markii dhagaha shacabka Soomaaliyeed ee Gudaha iyo Dibadaba ay qabsatay hadal haynta ku aadan in dalka soomaaliya uu dusha ka mamuli doono rug cadaa arimaha soomaaliya ah kana mid ah madaxda Ururka midowga Afrika kaasi oo ay ka amar qaadan doonan madaxda Dalka Soomaliya

Xigasho Wareysiga VOA

SBC International Monitoring