Dowradan loogu magacdaray Al-israa walmicraaj waxaa soo  agaasimay Culima’udiinka Ehlusunna-waljamaaca ee wadanka Finland iyadoo ay ka soo qayb galeen Culumo ay ka mid yihiin ,Sheekh  Muuse Sheekh Nuur , Sheekh Maxamed Abuukar ,Macalin Xasan Rooble ,Xaaji Cumar Jimcaale,Macalin Maxamed Rooble ,Xaaji Xuseen Cumar & Macalin Cabdullaahi Maxamed (Jilac)

Gudoomiyaha Ururka Ehlusunna waljamaaca ee wadanka Finland  Macalin Cabdullaahi Maxamed (Jilac) ayaa ugu horany hadlaka furay waxa uuna ka hadlay in kulankaan uu yahay Dowro aanu ugu magac darnay Al-israa walmicraaj oo uu marti inoogu yahay Sheekh Muuse iyo  iyo Culuma’udiin kale  iyadoo aanu ka faa,iidaysan doonta Culimadda haddana waxaan idin ku wareejinayaa sheekh Muuse Nuur.

Sheekh Muuse  Skeekh Nuur ayaa aayado Qur’aan ku furay muxaadaradiisa  isagoo sii guda galay Dowrada  oo ku saabsanaday xiligii  Nabiga  la dheelmiyay SWC ,isagoo sidoo kale ka sheekeeyay Shiikha in digriga illaahay uu yahay mid mar kasta looga baahan yahay adoonka isagoo u qaalis yeelaya ILAAH oo kaliya ,

Sheekh Muuse waxa uu yiri “waayahan dadka waa la cabsi galiyay oo waxaa soo baxay rag diidan digriga iyo tawasulka , mana ahan in aad baqdaan oo la idinka leexiyo wadaddii wanaagsanayd ee aad abid ku soo dhaqmi jirteen ,  waxaana idiin sheegayaa in mabda’a Culumada Ehlusunna waljamaaca  uu yahay asalka diinta islaamka oo laga soo min guuriyay   Xadiisyada Nabi Muxamed SWC iyo Kitaabka Qur’aanka”.

Sheekh Muuse waxa uu tusaale u soo qaatay “ haddii aad kaligaa tiraahdo Laa ILAAH ILLA LAAH ama aanu wada niraahno maxay kula duwan yihiin bal idinkaan idin waydiiyee walaalayaaloow , waxaan filayaa jawaabtu waa maya ee waxaa la weyneeyay ILAAHAYy  oo kaliya waana wax bannaan oo wax inoo diidan ma jiraan in aan wada qaadno weynayta ALLE”.

Sidoo kale Sheeku Muuse waxa uu soo qaatay amaanta shicirka ee Rasuulka lagu weynaynayo in aysan jirin xaadiis diidaya in dadku wada qaadaan iyo in qofku kaligii qaado amaanta Rasuulka iyo waxii cibaado loogu dhawaanayo oo ay diintaynu ogoshahay ,wax ku jaban majiraan  ee yaan la’idin cabsiin ee ka dig toonaada.

 Waxaa halkaasi sidoo kale ka hadlay  Sheekh Maxamed Abuukar  oo isna  ku furay muxaadaradiisa “Anigu waxa aan ahay Nin da’ah wakhti  dheerna waxaan ku soo dhex jiray fidinta Diinta islaamka , waxaan wax ku soo baranay mabda’a Ehlusunna waljamaaca anna aan wax ku soo baray , balse waayadan waxaan arkayaa wiilal yar yar oo  ridinaya Culumaddii wax soo bartay amaba  soo gaarsiiyay in ay noqdaan dad muslimiin ah ,waxaana nasiib dara ah in dadkii aanu ku soo tabac iyo tiir beelnay ay yiraahdaan waxba mataqaanaan ee iska aamusa , sidaasi darteed walaalayaaloow diinta Islaamku waa mid qura mana ahan diin is badasha oo wax lagu daro had iyo jeer ee waxaan idin kula dar daar mayaa in aad ku adkaysataan in aad diintiina ilaashataan oo aydan noqon qoom qasaara oo dhalan rogma , waana in aad ka tala qaadataan Culumadiina asal idin sooo gaar siisay diinta waana Ehlusunna waljamaaca ee sidaas u ogaada”.

Waxaa iyana xusid mudan xubnihii soo agaasimay dowradan oo kala ah

1-Yuusuf Geedi
2-Nuuradiin Macalin Muqtaar
3-Ibraahin Muumin
4-Maryan Mooge
5-Khadiijo Jiinoow

Gunaanadkii dowrada  Al-israa walmicraaj oo ay soo agaasimeen Culima’udiinka Ehlusunna waljamaaca ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi wanaagsan iyadoo dad weynihii ka soo qayb galayna ay halkaasi ku cuneen Bun iyo Cambuulo oo ay wali u sii dheerayd Hilib iyo Bariis ,iyadoo guud ahaan Culimaddii isugu timid goobtaasi ay ka qaadeen qasiidooyin Nabi amaan iyo muxaadarooyin soo jiitay quluubta Xubnihii ka qayb qaatay kulankaasi.

DAAWO SAWIRADA

Maxamed Bashiir ( Maxamed Info)
SBC Helsinki-Finland