Markab dagaal oo ay leedahay dowlada kolombiya ayaa soo gaaray gacanka cadmeed si uu qayb ugu noqdo la dagaalanka burcadbadeeda somalida,

waxaana markabkaasi uu xiriir dhaw la yeelan doonaa howl galka midowga yurub ee Atlanta, Markabka dagaal ee dalka kolombiya ayaa la sheegay in si gaar ah ula shaqeyn doono maraakiibta dagaal ee midowga yurub ee ka howl gala badaha Somalia si uu ugu qayb qaato ilaalinta maraakiibta u raran barnaamijka cuntada qaramada midoobay ee WFP si aysan dhibaato ugu soo gaarin kooxaha burcadeeda Somalia.

Sidoo kale markab dagaal oo ay leedahay dowlada Netherland ayaa ku soo biiray howlgalka Atlanta ee la dagaalanka burcad badeeda si looga hortago dhibaatooyin ay gaystaan kooxaha burcadeeda Somalia oo uu hoos  u dhacay labadii sano ee la soo dhaafay dhinaca afduubka maraakiibta

Howlga Atlanta ee la dagaalanka burcadbadeeda somalia oo ay ku mideysanyihiin ururka midowga yurub iyo qaar ka mid dalalka caalamka ayaa bilowday sanadkii 2008-dii xilliyadaasoo kooxaha burcadeed somalia ay afduubteen maraakiib badan ayaa waxaa saddex sano ee la soo yaraaday howlihii afduubka maraakiibta.