Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga Wadajirka ah ee habraaca marxaladda kala guurka ah “Rodmap” 2011/2012. Dhaqangelintii Roadmap ka ayaa u socda si habsami ah iyadoo lagu guuleystay in wax badan laga qabtay howlahii uu tilmaamayey habraaca marxaladda kala guurka “roadmap” 2011/2012.

Ra’iisal Wasaaraha Somalia ayaa in muddo ahba waday la tashiyo uu la sameynayey hay’adaha dastuuriga ah, iyo dhammaan qeybaha bulshada iyo gaar ahaan saxiixayaashii Roadmap ka ee ku hawlanaa dhaqangelinta Roadmap ka. La tashiyo fara badan ka dib ayuu Ra’iisul Wasaarahu waxuu soo dhisay guddiga wadajirka ah.

Guddiga Wadajirka ah waxuu ka koobanyahay Hay’adaha Dastuuriga ah, Puntland iyo Galmudug, Ahlu Sunna Wal-Jameeca (ASWJ), xubno ka tirsan Bulshada rayidka ah iyo khubaro. Guddigan ayaa waajibaadkiisu yahay diyaarinta qaabkii lagu dhaqan geli lahaa dastuurka cusub wuxuu kaloo  wadatashiyo uu la yeelan doonaa dhinacyada kala duwan, kana soo tala bixin doonaa qaabkii lagu sameyn lahaa dib u habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka dastuurka.

Xubnaha Guddiga Wadajirka ah ayaa kala ah:-

Cabdullaahi Axmed Calasow

Maxamed Cali Nuur

Salaad Axmed Caynte

Cabdi Saciid Farax (Juxa)

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi

Engineer. Axmed Shirwac

Maxamed Diheeye Ismaaciil

Siraad Xasan Cali Xirsi

Cabdullaahi Cismaan Ducaale

Cabdullaahi Xaaji Xasan

Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen

Raba’o Sheekh Nuur

Maryan Aweys Jaamac

Dr. Cali Nuur Axmed

Engineer Sadik Mire Samantar

Guddigan ayaa hawshooda si deg deg ah u billaabi doono, si ay u qabsadaan hawsha uu farayo “Roadmap-ka.

Link hoose ka dhageyso Afhayeenka xukuumada KMG Soomaaliya Eng. Yariisow oo saxaafada u akhriyey magacyada xubnaha gudigaasi.

Halkan ka dhageyso shirkii jaraa\’id ee Eng. Yariisow

DHAMAAD –


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
             +252-6-2536608
Mogadishu, Somalia