Dowladda Fedraalka ah ee Somaliya ayaa Markii Ugu Horeysay ka Hadashay dadka Soomaaliyeed ee ku dhintay Duqeyn loo geystay Doon ay saarnaayeen xeebaha Wadanka Yaman,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo La hadlayay wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay qasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in falkaasi lagu laayay dadka Soomaaliyeed ay ka danbeeyaan isbahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sacuudiga iyo Dowladda Yemen.

“Waxaa ka dhacay Yemen dhibaato wayn oo gaartay dad Soomaaliyeed oo Masaakiin ah, waxaan ku tala jirnaa inaan kala hadalno Dowladda Yemen Arrintaan, sidoo kalana Yemen waxaa looga fadhiyaa inay Jawaab cad ka bixiso Arintaan.” sidaasi waxaa yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

hadliye ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in la cadeeyso cida ka masuulka ah falkaan iyo sababta loo beegsaday dadka Soomaaliyeed.

42-Qof oo Soomaali ah ayaa Wasiirku uu xaqiijiyay inay ku dhinteen Doonta la duqeeyay, sidoo kale wuxuu sheegay inay jiraan dad kale oo dhaawacmay kuwaas haatan lala tacaalayo Xaaladooda Caafimaad.