Dowlada Somalia Ayaa Wafdi u dirtay Magaalada Jig Jiga Ee Xarunta Dowlada Deegaanka Somalia Ee Dalka Ethopia.

Wafdigan Ayaa waxaa hogaaminayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Somalia Mahad Max’ed Salaad  Sidoo kale wafdigaan Waxaa qeeyb ka ah Godoomiyaha Gobolka Gal-Gaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo iyo odoyaal dhaqameed Kale.

Wafdiga ayaa waxa ay u jeeadadoodu tahay in ay xal ka gaaraan colaadaha soo laa laabtay ee ka dhacay Xadka Somaliya uu la wadaago Dalka Ethopia.

Ciidamada Liyuu Police ayaa Dagaallo Culus Kula Galay gobolka Galgaduud Dad Shacab Ah Oo Daggan Tuulooyin Ku Dhow Xadka Labada Dal.

Hoos ka dhageyso warbixin: