Dowladda Somaliya, ayaa waxay markeedii ugu horeysay ay cadeysay mowqifkeeda la xiriira, darbiga Kenya wado inay ka dhisto xuduuda ay la wadaagto dalka Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Somaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay inaanu jirin dal ku soo xadgudbi kara xuduuda Somaliya, hal taako oo ka mid ah.

“Xukuumadda Somaliya waxay aaminsan tahay in wadan jaar nala ah uusan ku soo xadgudbi karin xuduuda wadanka Somaliya. Hal taako uma ogolaanayno cid ku soo xadgudubto xuduuda wadanka Somaliya.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu Xusay ineysan Waxba Yareyneynin Arintaasi Balse Ay Sameynayso Dhibaato hor Leh.

“Waxaan aaminsanahay inuu dhibaato badan abuuraayo, mana aha wado ama tallaabo sax ah, oo loogaga hortaggi karo amni darada ay wadaan Shabaab.” Ayuu Yiri Wasiirku.

Kenya, ayaa toddobaadkii hore gudaha u soo gashay 7-km oo ka mid ah dhulka Somaliya, gaar ahaan waxay soo gaartay Waqooyiga Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo la soo sheegaayo inay damacsan tahay xuduuda inay ka hirgeliso.

Dhageyso Codka wasiirka: