(Doha,Qadar,Maarso,03 213)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa caawa waxaa ay ka dageen caasimadda dalka Qadar ee Dooxa .

Safarkan ayaa Madaxweynaha waxaa ku wehliyo Raisul Wasaare ku Xigeenka ahna Wasiika Arimaha Dibadda Marwo Fowzia Yusuf Xaaji Adam, Wasiirka Maaliyadda Maxamud Xassan Suleymaan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, Taliyaha Nabadsugidda Axmed Macallin Fiqi, iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Nuur Tarzan.

Madaxweynaha ayaa wuxuu ka helay casuumaad rasmi ah Amiirka Qadar Sheekh Xamad Bin Khalifah. Wuxuuna kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Qadar.

 2013-03-03 20_06_46 DSC_0777 DSC_0781 s


Communication Office
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia