Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa Gudoomiyaha
cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Avv. Maxamed Cismaan
Jawaari waxayna uga tahniyadaynaysaa sida libta leh uu ugu guulaystay
doorashadaasi.
Puntland waxay ku kalsoontahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub uu
dhamaystiri doono waxyaalaha ka dhiman xoojinta dhismaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya, kuwasoo ay ka mid yihiin hirgalinta iyo ku dhaqanka
Dastuurka Federaalka KMG ah, hirgalinta dhismaha Aqalka Sare ee
Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo dhiirigalinta
dhismaha Dowladaha Xubinta ah Dowladda Federaalka ee dhiman.
Puntland waxay rajaynaysaa in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka Soomaaliya ay u dhacdo sida tan oo kale, oo ah si cad oo
cadaalad ah, waxayna ku dhiirigalinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka
Federaalka Soomaaliya inay Madaxweynaha Soomaaliya u doortaan qof
aamin ah, Dowli ah, awoodna u leh in uu wadanka ka saaro marxalada adag
ay Soomaaliya marayso.
— DHAMAAD —
Daalacatey :267