Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la xiray dad si been abuur ah u isticmaalaayay magacyada xubno Dowladda ka tirsan, kuwaasi oo Baraha Bulshada ay kuwada xiriirto ku isticmaalaayay.

Sida Uu Sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga Maxamed Yuusuf Cismaan, in ilaa hada ay xiran yihiin saddex ruux oo ku eedeysan inay isticmaalayeen magacyada xubno ka tirsan Dowladda oo si been abuur ah ku isticmaalaayay.

Wuxuu sheegay in saddexdaasi ruux baaritaano ay ku socdaan oo sharciga la horkeenaayo, halka uu jiro qof afaraad oo dalka dibadiisa ku maqan oo Dowladda ay ku mashquulsan tahay soo qabashadiisa.

Wuxuu Sheegay iney Jiraan Kuwa Kale Oo Ay Wali Ku Raadjoogaan, islamarkanna Ay Dabagal Ku hayaan

Magacyada xubno Dowladda ka tirsan ayaa lagu isticmaalaa Baraha Bulshada ay kuwada xiriirto, xilli lagu soo qoro waxyaabo been abuur ah.

Waana Markii Ugu Horaysay Oo Dowladda Somaliya Ay Shaaciso Dad Lagu Tuhmayo Isticmaalka Madaxda Dowladda Fedralka Ah Ee Somaliya.

SBC, News.