Wafdi uu hoggaaminayo Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdigan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana ay ka wada hadleen Amniga,Abaaraha, dib u dejinta Barakacayaasha iyo dib u dayactirka Wabiga Shabeelle.

Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Baydhabaya ayaa sheegay in dowladda Ingiriiska ay ballan qaadday qodidda ceelal Biyo si dadka ay dib ugu laabtaan degaannaada ay abaarta uga barakeen.

Waxaa kale oo uu xusay imniga ay ka kaalmeyneyso Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya,waxaana uu intaas raaciyay in wadahadalkii dhexmaray Wafdiga ka socday Dowladda UK iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed uu mirodhal ku soo dhamaaday.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in Dowladda Ingiriiska ay ballan qaadday Mashaariic ay ka midyihiin in ay dayactirto Wabiga Shabeelle qeybta uu ka maro Maamulka Koofur Galbeed si uu u keydiyo biyaha.