Dubai:- Dowladda isutga imaaraatka carabta ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Masar ay siisay kaalmo lacageed oo gaaraysa saddex bilyan oo dollar.

Ra’iisal wasaaraha Masar Cassaam Sharaf oo kulan kula yeeshay mas’uuliyiinta Imaaraatka Abu Dhabi ayaa shaaca ka qaaday dhisitaanka sunduuq loogu magac daray Khaliifa bin Zayed si loo taageero mashaariicda heerka dhexe iyo kuwa yar yar ee dalka Masar kaasi oo ku bixi doona nus bilyan dollar si shaqo abuur loogu sameeyo dhalinyarada Masaarida.

Sidoo kale dowladda Imaaraatka ayaa ku bixin doonta lacag dhan 750 malyan oo dollar mashaariicda dib u dajinta iyo 750 malyan dollar oo ah amaah mashaariic kala duwan oo laga fulinayo dalka Masar.

Dhanka kale wasiirka maaliyadda masar ninka lagu magcaabo Samiir Ridhwan oo ku wehliya ra’iisal wasaaraha booqashadiisa Abu Dhabi ayaa sheegay in Masar ay qorsheenayso in ay maalgelin ku samayso miisaaniyadda fadhiidka ah oo ay qiimaheedu gaarayso 134 bilyan oo ginniga masaarida oo u dhiganta 22.47 bilyan oo dollar iyadoo kaalmo ka helaysa dowladaha carabta.

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring