Madaxa Ciidamada Badda ee Wadanka Koonfur Africa Refiloe Mudimu  ayaa sheegay Dowladooda ay heshiis iskaashi ka dhan ah burcad badeeda la saxixdeen Dowladaha Mozambique & Tanzaniasi ay u dhimaan khatarta burcad badeeda Soomaalida ee Xeebaha Wadamadaas.

Warka Dowlada Koonfur Afrika ayaa imnaaya Xilli mudooyinkanba Ay Dowlada Koonfurta Afrika Walaac ka qabtay in Kooxa Burcad badeeda Soomaalida ay waxyeelaan Gadiid Badeedka Wadanka keeda ku wajahan.

Walaaca Koonfur Afrika ayaa yimid Xilli ay soo shaac baxayso mudooyinkan in kooxa Burcad badeeda ay ku wajahan yihiin Koonfurta Qaarada Afrika waxaana Burcad badeeda ay sameyn balaaran ku yeesheen gadiid badeedka ku socda JasiiradaSeychelles. 

Kulankan ay Sadexda Dowladood ku kala saxiixdeen ayaa waxaa si weyn loogu soo qaaday sida loo horumarin karo istaratiijada La dagaalanka Burcad badeeda ee Xeebaha Sadexda wadanka Waxaana ay madaxda kulankaas ka qeybgashay ay isla waafeen sida lagu dhimi karo awooda Burcad Badeeda Soomaaalida.

Heshiiskan ayaa Waxay Rumeysan yihiin Dowladaha Saxiixday gaar ahaan Dowlada Mozambique in kaluumeystadeeda ay dib u bilaabi karaan Kaluumeysiga ka dib markii ay horey cabsi uga qabeen Burcad badeeda Soomaalida.

SBC International Monitoring