Wasiirka warfaafinta Dowlada Soomaaliya C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa kulan kula qaatay Wadanka CUmaan dhigiisa dalkasi Xamed Bin Maxamed Alrashidi iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca warbaahinta ee labada dowladood.

Labada wasiir ayaa isla soo qaaday sida la iskugu xiri lahaa wakaaladaha wararka  ee Dalalka Soomaaliya iyo Dalka Cumaan islamarkaasina u kala warqaadan lahaayeen.

Kulanka Labada Masuul waxaa sidoo kale lagu soo qaaday iskaashiga iyo Caawinta suxufiyiinta Dalka Soomaaliya iyadoo dowlada CUmaan ay dhinaceeda sheegtay in wixii karaankeeda ah ay la garabtaagan tahay dalka Soomaaliya.

Wasiirada warfaafinta ee Soomaaliya iyo Cumaan ayaa dhacay ka dib markii uu soo dhamaaday kulan uu wasiirka Soomaaliya kaga qeybgalay wadanka cumaan oo ku saabsana Warbaahinta iyo horumarinteeda

Xigasho Wasaarada warfafinta Cumaan

Casiiso Muuse C/kariin
SBC International Monitoring