Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa cara kulul ka muujisay dhibaatooyinka muwaadiniinta Soomaaliya loogu geysto dalka Konfurta Afrika.

Wasiirka Koobaad ee Xukuubada Federaalka Soomaaliya Cabdi fvaarax Shirdoon Saacid ayaa warsaxaafadeed ka soobaxay Xafiiskiisa fariin loogu diray madaxda dalkaasi South Africa taas oo loogaga codsanayo in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u joojiyaan rabshadaha muwaadiniinta Soomaalida ee halkaas ku dhaqan lagu beegsanayo.

“Waxaan ka codsanayaa Dawlada Jamhuuriyada Koofur Africa inay lagama maar-maan tahay joojinta rabshadaha boobka iyo dhibaatooyinka loogu geysanayo ganacsatada Somaliyeed ee halkaasi kusugan,lagana shaqeeyo nabadooda iyo Xasilooni ay ku ganacsadaan ayuu yiri Dr Saacid”.

Dhacdadii ugu dambeeysay ee keenay in dowlada federaalka si kulul uga hadasho rabshadaha lagu dhibaateeyo Soomaalida Koonfurta Afrika ayaa aheyd tii ka dhacday Booysens Park iyo Port Elizabeth taas oo muwadin Soomaali ah inta dharkii laga saaray kooxo u dhashay dalkaasi ay wadooyinka ku jiijiideen ilaa uu ka dhinto.
Csalan Axmed

Dhinaca kale Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibaddka Soomaaliya C/salaan Xaaji Axmed waxa uu shir jaraaid maanta ka sheegay in wafdi ka socda dowlada ay tagi doonaan dalkaasi South Africa si ay duwlada dalkaasi ugala xaajoodaan wax ka qabashada arintan murugsan .

Shirkiisa jaraaid Xoghayahan waxaa kale oo uu ugaga diday Soomaalida ku dhaqan dalkaasi in ay ka fogaadaan deegaanada waaweyn ee ay ka agdhowyihiin ciidamada Amaanka nidaamka rasmiga dalkaasina uu ka shaqeynayo.

Sikastaba ha ahaatee dhibaatooyinka Soomaalida heysta ee dhaca ah waxaa u dheer dil hal beegsi ah oo maalmihii ugu dambeeyay lagu hayo iyadoo wararkii ugu dambeeyay ee soobaxayana sheegayaan in 3 ka mid ah Soomaalida dalkaasi ku dhaqan la dilay.

SBC International Muqdisho.