War saxaafadeed maanta ka soobaxay Xafiiska wasaarada warfaafinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu muujiyay sida dowlada federaalka Soomaaliya uga xuntahay talaabadii maamulka La baxay Soomaaliland ee gobolada waqooyi galbeed Soomaaliya u qaadeen duulimaadka hawada Soomaaliya .

Talaabadaasi uu qaaday maamulka Soomaaliland waxa ay ku qotontay ka mamnuucista garoomada diyaaradaha magaalooyinka Hargeysa iyo Barbara ee uu ka arimiyo duulimaadyadii caadiga ahaa ee ay ku imanayeen diyaaradaha qaramada midoobay.

Taasina waxaa lagu tilmaamay mid aan la qaadan karin  waxayna dowlada federaalka Soomaaliya sheegtay inay raali gelin ka siineyso qaramada midoobay .

Waxaa lagu xusay qoraalka ka soo baxay Wasaarada warfaafinta dowlada Soomaaliya in talaabadaasi ay tahay mid ka hor imaneysa xeerka duulimaadka Caalamka, iyo ahmiyada adeega Farsamo ee ay qaramada midoobay u qaado arimaha bixin aadan nimada iyo caawinta umada tabaaleysan ee Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale loogu sheegay qoraalkan Masuuliyiinta Maamulka labaxay Soomaaliland in dowlada federaalka Soomaaliya dooneyso sidii ay u koontrooli laheyd Hawada dalka iyo in aysan laheyn arintaasi siyaasad gaar ah, hadiise ay jirto arimo isdiidan ay haboon tahay in laga wada hadlo .

Maalin ka dib markii la sheegay in xukuumada federaalka Soomaaliya si rasmi ah loogu wareejiyay maamulida hawada dalkeeda ayay ku dhawaaqeen masuuliyin ka tirsan maamulka la baxay Soomaaliland in ay mamnuuceen duulimaadyadii qaramada midoobay ee gobolada ay ka arimiyaan ku iman jiray.

SBC INternational News Desk