Wasiirka Arimaha Dibada ee wadanka Ruushka Sergei Lavrov ayaa waxaa uu sheegay in 1 million oo dollar oo ah gargaar dhinaca Bini’aadanimada ah inuu u soo diri doono dalalka Soomaaliya, Djibouti, , Sudan iyo Ethiopia si loogu caawiyo dadka ay Abaaraha iyo Macaluusha ku haysato Wadamadaas.

Hadalka Dowlada Ruushka ee Gargaar siinta Dalal ay Soomaaliya ku jirto ayaa yimid xilli kulan ay ku lahaayeen Magaalada Moscow ee wadanka Ruushka Wasiirada Arimaha Dibada ee Dalalka Jabuuti iyo Ruushka.

Masuuliyanta Maxamed Cali Yuusuf iyo Dhigiisa Dalka Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka wada hadlayay Arimo kala duwan oo ay ka mid tahay adkeynta Xiriirka labada dal iskaashiga dhinaca ka hortagida Burcad badeeda iyo adkeynta Amaanka.

Dowlada ruushka gargaar keedan waxaa uu ku soo begmaya xilli weli dalalka caalamka ay soomaaliya iyo wadamada Gobolka ugu yaboohayaan Gargaar kala duwan oo loogu talagalay taakuleynta dadka Soomaalida ah ee abaaraha daran ay dalka ku haystaan.

Maxamed Deeq Cabdalla
mdeeq@allsbc.com
SBC International Monitoring