Hogaamiyaha wadanka Qatar ayaa waxaa uu ka hadlay markii ugu horeysay xaalada dalka suuriya ee uu ka socdo dilka iyo Dagaalka aan dhamaadka lahayn ee u dhaxeeya ciidamada Dowlada Iyo kooxo ka soo horjeeda isaga oo soo jeediyay in Cidamo Carbeed loo diro dalkaasi

Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani ayaa u sheegay Telefishan laga leeyahay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo CBS in Ciidamo loo diro dalka suuriya si ay u joojiyaan dilka dalkaasi ka soconaya

Hadalka Sheekh Hamad waxaa uu noqonayaa hadalkii ugu horeeyay ee uu hogaamiye carbeed kaga hadlo howlgal Meleteri oo lagu qaado wadanka suuriya si loo joojiyo Dhiiga dalkasi ku qubanaya.

Wareysiga Sheekha ugu sareeya dalka Qatar oo ahaa 60 daqiiqo ayaa lagu weydiiyay hadii dowladaha carbeed ay faragelinayaan inuu taageerayo waxaana uu sheegay inay muhiim tahay arintasi in wax laga qabto waana muhiim in ay ciidamo tagaan si ay joojiyaan dadka lagu leynayo dalkaasi Siiriya.

Dalka suuriya intii ay socdeen Dagaalada isku dhacyada kacdoonka ka uu ka dhashay dad ku dhow 5,000 oo kuwaasi oo ay ciidamada dowlada siyaabo kala duwan ugu dileen dalkaasi Qalaalasaha ka biloowday Bishii March ee sannadkii tagey.

Hadalka Dowlada Qatar waxaa uu noqonayaa mid ka soo hormaray hadalada dowladaha reer galbeedka oo horey ugu hamuun qabay inay faraha la galaan dal kasta oo xiisad dhexdiisa ay ka tagan tahay sida liibiya oo Kale.

Jihaan Maxamed Cabdi
SBC International Monitoring