Wasiirka  Maaliyada Dawlada Puntland Faarax Cali Shire oo maanta shir jaraa,id Saxaafada ugu qabtay Dekada magaalada Bosaso ayaa waxa uu kawarbixiyay Markab siday Qalaba ay ay leeyihiin  Ciidamad Bada Puntland  iyo macaawino katimi Dawlada Imaaraadka Carabata.

Wuxuuna wasiirku Saxaafada u sheegay in Markab ku uu siday macaawino  Gaaraysa 400 oo tan oo isugu jirata Bariis,Caano,iyo Timir Daawo iyo Qalabka Biyahay lagu safeeyo.   wuxuuna wasiiirku sheegay in macaawinadani aya tahay mid ay soo dhiibatay Dawlada Imaaraadka Carabata si loogu caawiyo dadka Somliyeed ee kusugan deegaanada Puntland.

Markabka ayaa sidookale waday gaadiid uu sheegay wasiirku in Dawlada imaaraadku ugu talagashay in lagu qaybiyo macaawinda ay keentay kadibna  marka ay macaawinadu dhamaato ay qaadanayso Dawlada Puntland .

Faarax Cali Shire Wasiirka Maaliyada Dawlada Puntland ayaa waxa uu Saxaafada u shaaciyay in markabkani sidoo kale uu siday Qalab ay leeyihiin Ciidamada Ladagaalanka Burcad Badeeda ee Puntland kuwaasi oo uu ku sheegay in ay yihiin guryahay laysku Xir xiro. .

Mar lawaydiiyay wasiirka su,aal ahayd in ciidmada Bada puntland aan loo tababarayn in ay Ladagaalamaan Buracada  badeeda uu ujeedkoodu yahay in ay labaxaan Macdanta Puntland  ayuu waiirku ku Jawaabay sidan. .

Dadka nalajooga anaga waa Tababarayaal shaqana kumalaha Hawlaha aad sheegayso ee Macadanta ah taasina wax kajiraa majiraan Dawlada Puntland waxay leedahay hay,ado uqaabilsan arimaha sidaasi waxaa yiri wasiirka maaliayada  Puntlnd.

sidoo kale wasiirka ayaa xaqiijiyay in deeqdan ay Dawlada Imaaraadka Carabta Puntland ugu soo dhiibatay tababarayaasha ciidamada Bada Puntland oo uu wasiirku sheegay in Dawlada imaaraadku ay iyadu maala galiso Bixisan mushaharka Ciidamadaasi.

war saxaafadeedka uu wasiirka ayaa ku soo beegmay xila ay dadku su,aalo badan iska waydiinayeen imaatinka markabkan .

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Garoowe