Shir jaraaid oo ay maanta siwada jir ah ugu qabteex xarunta wasaarada maaliyada ee Garoowe wasiir ku xigenka maaliyada Cabdi Warsame Ibraahim iyo agaasimaha bangiyada Puntland Xirsi Maxamed Jamaac waxaa ay kaga hadleen lacago shilin Soomaali faalso ah oo gudaha Puntland lagu qabtay iyagoona ganacsada uga digay in lacago faalsada ah aysan soo galin gudaha Puntland cidii lagu qabtana sharciga la horgayn doono.

Wasiir ku xigeen wasaarada maaliyada ahna siihaya xilka Wasiirka Cabdi Wasarsame Ibaraam ayaa ugu horaayn warfidiyeenka u akhriyey wasaxaafeed Puntland ka soo saartay lacagaha been abuurka ah iyo talaabooyinka Puntland uga qorshaynsan cida lagu qabto lacago noocaas ah

Xirsi Maxamed Jamac agaasimaha bangiyada Puntland ayaa sheegay in lacago badan oo faalso ah horay loo qabtay isla markaan ay meel fagaara ah ay ku gubaan lacagaha la qabto .

Taliyaha kantaroolka koon fureed ee Garoowe dhame Gaarane wakiil ayaa sheegay in todobaadkii tagay ay qabteen lacago faalso ah waxaana uu xusay in ganacsadu hab xeeladaysan ay ku soo galiyaan lacagaha faalsada ah balse ay u warhayaan ayna qaban doona lacag kasta oo falso ah .

Bilihii ugu dambeeyey gobolada Puntland waxa soo galay lacago faalso iyadoona inbadan lacagahaasi ka mid ah ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanka Puntland masuuliyiinta dowladuna waxaa ay in ganacsadu ay lacagahaasi been abuur ka ah ay ka keenan gobolada konfureed isla markaana hab xeeladaysan ay ku soo galiyaan gudah Puntland.

Sawiro