Waxaa Saaka sitoos ubilowaday Hawlgal lagu Bur burinayo Guryaha kuyaala aaga  Dekada Magaalada Bosaso .

Hawlgan ayaa ahaa mid saaka si toosa uga biloowday aaga Dekada Magaalada Boosaao  waxaan hawlgalkan Bur burinta ah ka qayb qaadanayey Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boosaaso kuwaasi oo iyagu sugayey amaanka Goobta Bur burintu kasocotay.

Bur burinta Guryaha ayaa waxa ay Dawladu u adeegsanaysay Cagaf Cagaf waxaana sitoosa loo Bur buriyay Guryo dhisan oo ah Saro oo ay maanta Dowladu Dhulka dhigtay.

Waxaa sidoo kale goobta joogay Dadkii lahaa Guryihii la Bur burinayey waxayana ay ahaayeen dadkaasi kuwo ay kamuuqatay dayacnaan fara badan maadaama la arka yey alaabtoodii oo banaanka daadsan .

Dadka maanata gur yaha laga bur buriyay ayaa ahaa kuwo mudo ah daganaa meesha maanta laga bur buriyay .

Bur burinta guryahan ayaa daba socotasocday Go,aamo dhawaan ay soo saareen Gudiga Nabad Galyada ee Gobolka Bari islamarkaasina ay dad kan ugu qabteen mudo Todoba bari .

Dhanka kale ciidmada amaanka ee goobtaasi kusugnaa ayaa hadaad iyo qalab ka qaadis ku sameeyay saxaafad kahawl gasha magaalada bosaso xili bahda saxaafada uu uyeeray wasiir kuxigeenka labaad ee wasaarad dekadaha iyo gaadiidka bada abshir oo isagu u anaray saxaafada in ay goobtaasi tagaana kana soodoobaan warbixino balse taas badalkeeda waxaa saxaafada loo gaysaty handadaad iyo in qalabkii ay wax ku doobayeen in ta laga qaato lagu fiiq fiiqo qoryo taasi oo aysan saxaafada mutaysan in sidaa loola dhaqmo.

Wasiir kuxigeenka laabd ee wasaarda dekadaha abshir ayaan isagu wax cdur daar ah ka bixin arinkaa lagu sameeya saxaafada maanat tagatay mada shaasi si ay u soo doobto musawirka dhabta ah ee halkaasi kajiray

Cismaan Saalax Ismaaciil
SBC International Boosaaso