Ka dib markii ay ciidamada amaanka Puntland iyo Isku dhaceen koox lagu eedeyay Burcad badeed ayaa waxaa warbaahinta SBC la soo xiriiray odayaal dhaqameed ka soo jeeda Degmada Xafuun kuwaasi oo sheegay in Xaalada Deegaanka ay tahay mid degan hase ahaateen loo baahan yahay in arinta in si degdeg ah loo xaliyo
Ciidamada Ilaalada Badda Puntland ayaa sheegay in dadka hubeysan ee la dagaalamay ay ahaayeen Burcad badeed halka odayaasha deegaanka ay ku doodayaan inay yihiin Dadka Deegaanka
Dhinaca kale Afhyeenka Dowlada Puntland Axmed Cumar xirsi Libaax joore oo wareysi siiyay Warbaahinta SBC ayaa ku sheegay in Ciidamada ay dagaal la galeen Burcad badeed Isaga oo meesha ka saaray in dadka Dagaalamay ay yihiin Dadka Deegaanka
Dhageyso Wareysi aaanu la yeelanay Afhayeenka Puntland Libaax Joore
DHAGEYSO WAREYSIGA AFHAYEENKA PUNTLAND
Dhageyso Wareysi aanu la yeelanay Cabdicasiis Sooyo-Qadan
DHAGEYSO CODKA MID KA MID AH GANACSTADA XAFUUN OO KA HADLAY SIDA WAX U DHACEEN
Xaalada Degmada Xafuun ayaa ah mid degan iyadoona weli ay ciidamada Badda Puntland ku sugan yihiin Degmada Xafuun
SBC International Boosaaso
Daalacatey :1170