Waxaa galabta magaalada garawe ee xarunta puntlan heshiis wada shaqayn ah ku kala saxiixday dowlada kmg ah ee soomaliya iyo maamulka puntland waxaana heshiiska warbaahinta ukhriyey wasiirka tacliinta ee dowlada kmg ah ee soomaliya iyadoo ay goobjoog  ka ahaayeen madaxwaynaha puntland c/rixmaan maxmed faroole iyo raysal wasaare c/wali  maxamed cali gaas
heshiiska oo ka koobnaa 13qodob ayaa u qornaa sidan

.1. Waxaa la isku Raacay Xoojinta & Wada Shaqaynta iyo Xiririka Joogtadad ah ee Labada Dhinac .

2. Waxaa si buuxda la isugu raacay in la meelmariyo heshiisyadii horey loogu galey( heshiiskii gaaljacyo 23 AUGUST 2009 iyo is fahamki isgaashiga xaga amniga iyo burcad badeeda (MOU ee nairobi 12 April 2010)

3. Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in si wada jir ah looga shaqeeyo adkaynta nabad galyada, la dagaalanka argagaxisada, burcad badeeda iyo tahriibta.

4. Waxa la isku raacey in puntland laga taageero tababarada, gunooyinka iyo qalabeenta ciidamada amniga sida ciidamada booliska, nabad sugida iyo asluubta.

5. Waxaa la isku raacey in dib loo dar dar galiyo ka shaqeysiinta akadeemiyada booliska ee carmo, lana dhameystiro dhismaha iyo qalabeenta xaruntaas si looga maarmo tababarada dibada loo aado.

6. Iyadoo la tixgalinayo baahida loo qabo xeebaha dalka, waxaa labada dhinac isla afgarteen in la dhiso ciidamada badda ee Soomaaliya.

7. DFGM ah waxey ku dhiirigalinaysa puntland in ay kobciso horimarinta dhaqaalaheeda iyo siyaasadeeda(economic and political devalopment)

8. Si looga hortago soo noqnoodka abaaraha waxna looga qabto azyaalaha sababa aafooyinka ( root causes), waxaa labada dhinac isla garteen in loo adeegsado qayb kamid ah mucaawinyoonka oo wax katari kara gargaarka dag daga ah  ee bini’ aadanimo iyo horumarinta dalka sida odista ceelasha, dhisida wara biyeedyada, kobcinta kaabayaasha dhaqaale abuuurista shaqooyin iyo ilaalinta deegaanka.

9.  Waxaa la isla gartay in mucaawinooyinka dalka si isu dheeli tiran loo qaybiyo loona gaarsiiyo gobolada dalka oo dhan.

10. Waxaa lawada aqoonsaday in xaalada barakacayaashu sii xumaanayso maalin walba toradooduna ay sii kordhayso, hadana gobolada puntland ay ku suganyihiin in kabadan 400,000 oo ruux, beesha caalamka ay ka helaan taageero kooban, sidaa owgeed waxaa la isla gartay in lo sameeyo qorshe midaysan oo ku wajahan waxka qabadka arimaha baraka cayaasha iyo dadka abaaruhu saameeyeen ee puntland,

11. Waxay Labada Dhinac soo Jeediyeen in la Dhamaystiro  Dastuurka Federaliga ah Xilliga kala Guurka ah.

12. Waxay Labada Dhinac ku Heshiiyeen Marxalada KMG ah & Dhisida Dowlad Federal ah, Waxaa Si Gaar ah Hoosta Looga Xriiqay  Dhisidda & Dhiirigelinta Maamulo Federal ah ( Federal States ) oo Buuxiya Shuruudaha Axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

13. Waxay Labada Dhinac ku Heshiiyeen in la Ilaalyo,Lana Horumariyo Arrimaha Xuuuqul insaanka .

Heshiiskan Waxaa Wada Saxiixay  madaxwaynaha puntland c/rixmaan shiikh  maxamed  iyo raysalwasaaraha c/wali maxamed cali gaas

Maxamed Siciid
SBC International Garoowe