Ciidamad Amaanka ee wadanka Kenya ayaa sheegay inay Balaariyeen howlgalka lagu baadigoobayo Haweeney British ah oo laga afduubtay Xuduuda ay wadagaan Wadamada Kenya & Soomaaliya.

Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada amaanka ee wadanka Kenya Aggrey Adoli ayaa wariyaasha u sheegay in ay Cidamooda isticmaalayaan farsamooyin booliis oo dheeraad ah si ay u helaan halka lala aaday haweeney ninkeedina la dilay oo laga afduubtay Deegaanka loo dalxiiska Tago ee Luma ee wadanka Kenya.

Saraakiisha Amaanka ee Hogaamineysa Howlgalka Raadinta Haweneyda Britishka ah ayaa sheegay inaysan weli gaarin guul la taaban karo oo ku aadan soo helida muwaadinadan britishka ee la afduubtay waxaana ay sheegeen inay rajeenayaan in ay soo badbaadiyaan iyada oo badqabta.

Masuuliyin ka tirsan Dowlada Kenya ayaa weerarkan waxay uga cabsiqabaan inay Geysteen Xarakada Alshabaabil Mujaahidiin oo ku xoogan Deegaanada Xuduuda lala leh wadankaasi Kenya

Lamaaha Midna la dilay mid la afduubtay ee Britishka ah ayaa lagu kala magacaaba David iyo  Judith Tebbutt waxaana deegaanka lagu afduubtay ay yimaadeen Maalintii Sabtida waxaana la soo weeraray iyaga oo jooga Qeybta nasashada weerarka markii uu dhacayay waxaa goobta ka dhacday hal xabad oo keliya taasi oo loo badinayo inuu ku dhintay Ninka britishka

Baaritaanka Dilka & Afduubka Lamaanaha Birtishka waxaa sidoo kale xilligan ku soo biiray Sirdoonka Ingiriiska oo sheegay in dowlada Kenya ay kala shaqeyn doonan sida dhacdadan ay uga dhacday Dhinaca Xuduuda ay la wadagaan Soomaaliya.

Ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay Masuuliyida Weerarkan ka dhacay dhulka Dalxiiska ee wadanka Kenya waxaase intabadan weerarkan loo badinayaa in ay geysteen Burcad badeeda Soomaalida oo iyaguna ku xoogan Deegaanada Xeebaha leh ee Soomaaliya & Gobolkaba.

Maxamed Deeq Cabdalla
SBC International  Monitoring
mdeeq16@hotmail.com