Afhayeen u hadlay Ciidamada military-ga Kenya oo ayaa ka hadlay markii ugu horeysay weerar duqeyn ah oo habeenkii xalay lagu qaaday Degmada Afgooye goob ku dhow fariisin ay Xarakada alshabaab ku leeyihiin halkaas.Sarkaalka u hadlay Ciidamada Kenya oo lagu magacaabo Maj. Emmanuel Chirchir ayaa sheegay inaysan dowladooda wax lug ah ku lahayn duqeymaha isaga oo sheegay inaysan Ciiidamada Kenya waxba kala socon duqeyntii xalay laga geystay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka shabeellaha Hoose

Magaalada Afgooye ayaa ka mid ah 10 magaalo oo uu afhayeenka Kenya dhawaan sheegay inay duqeyn doonan isaga oo ugu baaqayay Shacabka Halkaas ku dhaqan inay iskaga baxaan si aysan waxyeelo uga soo gaarin.

Ma jirto cid si rasmi ah uga hadashay duqenta xalay ka dhacday degmada afgooye inkasta oo ay xarakada alshabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya beenisay in la duqeeyay Deegaanadooda

Duqeymaha laga geysto gudaha Soomaaliya gaar ahaan goobaha lagu tuhmo inay fariisimo ku leeyihini Saraakiisha Alshabaab ayaa waxaa daba socda waxyeelo balaaran oo shacabka ka soo gaarta Halkaasi taasi oo inabadan oo shacabka Soomaaliya ay walaac daran ka muujiyeen.

SBC International Monitoring