Raiisul wasaaraha Ingiriiska David Cameron ayaa digniin u jediyay dowlada Iran oo la xiriirta Weerarka lagu qaaday Xarunta Safaarada Dowlada Ingiriiska ee Magaalada Tehran iyo dhismayaal kale oo ku yaala wadanka Iiraann kuwaasi oo dad dibad baxayaal ah oo reer iiraan ah ay weerar ku ekeeyeen iyaga oo dab qabadsiyay calanka Ingriiska Iyo sawirada Boqorada Ingriiska iyo RAiisul wasaaraha wadanka.

Dibadbaxa sababay in la weeraro dhismayaasha Safaarada ayaa yimid ka dib markii cunuqabateyn la saarayo dowlada iiran oo dhinaca ganacsiga ah ay ku dhawaaqday dowalda ingiriiska taasi oo keentay in dad careysan oo reer iiran ah ay gudaha u galeen Dhismahayaasha Dowlada Ingiriiska.

Dadka Dibaxbaxayaasha ah oo ay ka dalbaday baaarlamaanka Wadanka Iiraan inay u codeyaan sidii loo dhimi lahaa Xiriirka diblumaasiyadeed ee Iraan la leedahay Dowlada Ingiriiska iyada oo lala xiriirinayo Cunaqabateynta ay saartay Dowlda iiran.

Mr Cameron ayaa ugu baaqay Dowlada Iiraan inay ka hortagto dibadbaxayaasha islamarkaasina ay badbaadiso Hanatida iyo Dadka Shaqaalaha ee ka shaqeynaya safaarada britian ee wadanka Iiraan

Dhinaca kale dowladaha Mareykanka iyo Midowga yurub ayaa si isku mid ah u canbaareyay weerarka Iiraan ka dhacay ee lagu beegsaday Safaarada ay leedahay Magaalada Tehran iyaga oo ugu baaqay madaxda dowlada Iiraan inay arintaaan jawaab cad ka bixiyaan.

ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Dowlada Iiraan oo ku aadan weerarka ka dhacay dhismaha safaarada britian wallow markii dibadbaxayaasha ay galeen dhismaha safaarada loo diray booliis kala erya.

SBC International Monitoring