Dowlada FKMG ah ee SOomaaliya oo ka warbixisay Laheystayaal ay soo furatay

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir jaraa’id oo uu xafiiska ku qabtay sheegay in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ay 7:00 subaxnimo ku guuleysteen iney soo furteen la heystayaal Ajnabi ah iyo kuwa Soomaali ah oo u adeegayay Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan Xerada Dhadhaab.

Ku-Simaha ayaa sheegay in 4 Anjabi ah oo u kala dhashay dalalka Labo Canadiyaan Norway, , Filibiin iyo Soomaali la socotay iney Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ku guuleysteen iney soo furteen iyagoo kaashanaya Ciidamada ku sugan Jubbooyinka iyo kuwa Kenya.

“Waxaa inoo farxad ah in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ku guuleysteen iney soo furtaan Samafalayaal Ajnabi  iyo kuwa Soomaali ah oo laga soo afduubtay xerada Dhadhaab ee dalka Kenya”.

Sidoo kale, wuxuu xusay in dowladihii ay dadkaasi u dhasheen  u sheegeynaa in ay gacan nabad gelyo ah ku jiraan ayna u duuleyn dalka Kenya si nabad gelyo ah islamarkaana waxaan u sheegeynaa ineysan ka niyad jabin taageerada ay u hayaan Ummadda Soomaaliyeed ayna u shaqeyaan sidii ay ugu shaqeyn jireen Ummadda.

Ugu dambeyntii Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in arrintaani ay tusaalo u tahay in Xukuumadda ay awood u leedahay in Al-Shabaab iyo qolyaha kaleba aysan awood u yeelan karin in ay Afduub ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya.


Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616 084650
Mogadishu, Somalia
Daalacatey :301

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print