Dowlada Dalka Pakistan oo yeelatay Ra’iisul Wasaare cusub

Dalka Pakistan ayaa yeeshay Ra’iisul Wasaare cusub kadib markii dhowaan maxkamada sare ee dalkaas xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaarihi hore Yuusuf Raza Jeylaani.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa loo magacaabay Raja Pervez Ashraf oo ka tirsan xisbiga talada haya ee dalka isla markaana 211-cod ka helay kuraasta Baarlamaanka ee ka kooban 324-kursi.

Waxaa horyaala shaqo aad u adag oo ay kamid tahay in uu isku xiro Garsoorka,Dowladda iyo Ciidanka qaranka oo aan xiriir wanaagsan ka dhexeyn.

Dadka la socda Siyaasadda Pakistan ayaa waxay sheegaayan in caqabado badan soo foodsaari doonto Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Ra’iisul Wasaarihi hore ayaa dhowaan maxkamada sare ka qaaday xilka markii lagu eedeeyay musukh maasuq uuna ka dhego adeegay in maxkamada uu hor tago si uga jawaabo eedeymo loo haysto dowladiisa.

Magacaabistiisa ayaa kusoo beegmatay xilli aad uu adag sida ay Siyaasiyin badan ay qabaan maadama ay soo dhowdahay doorashadii madaxtinimada oo dhici doonta horaanta sanadka soo socda ee 2013-ka.

Maxed Cali Iimaan
SBC International Boosaaso

 

Daalacatey :728

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print