Dalka Itoobiya ayaa isku diyaarinaya doorashooyin  ay ka qeyb galaan ilaa 58 xisbi, iyadoo olole ballaaran ay ka socdaan magaalooyinka dalkaas oo ay ugu weyn tahay Caasimada Addis Ababa.

Waxaa La Shaaciyay Xiliga Ay Bilaabanayaan Doorashooyinkani Iyadoo Ay dhici doona maalinta Axada ee 24-ka May ayaa ah mid aad isha loogu haayo, ayna ka qeyb galaan ilaa 37 milyan ruux.

Xisbiga Talada haya ee EPRDF ayaa loo saadaalinaya inuu mar kale ku guuleysan doono, waayo waxaa la aaminsan yahay in awood dhaqaale iyo mid bulsho uu ku cadaadinayo xisbiyada kale.

Xisbigan EPRDF ayaa tan iyo sanadkii 1991 soo xukumaya dalka, waxaana horay u soo hogaamiyay Ra’iisul Wasaarihii geeriyooday ee Itoobiya Atto Meles Zenawi.

Ra’iisul Wasaaraha talada haya Hailemariam Desalagn ayaa u sheegay Al-Jazeera in dalkiisa uu doonayo inuu bog cusub u furo dimoqraadiyada, isagoo xusay in wadada saxda ah ay ku socdaan.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoonna Hey’adaha Xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeynaya Itoobiya in aysan ka jirin xoriyatul qowl, waxaana jira dad badan oo xabsiyada ku jira iyo xisbiyo siyaasada laga mamnuucay.

SBC, News.