LIVE: Ku dhawaan 100 Xildhibaan oo dhibatay Codka Doorashada

Waxaa Haatan Magaalada Muqdisho Codkooda ku dhiibanaya Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 250 Xildhibaan kuwaasoo codayntooda loo kala horumariyay bilawga magacyada ku dhawaaqistooda oo noqonaysa A ilaa Z oo ah xarafka ugu danbeeya .

Xildhibaanada ayaa ah kuwo ku guda jira codayntooda ku wajahan hadba cidii ay is dhihi karaa waa u qalmaa afhayeenka baarlamaanka iyadoo sidoo kale musharixiinta u tartamaya xilkaasi ay ka dhursagayaan codaynta socota.

in ka badan 100 xildhibaan oo ka mid ah xildhibaaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa codkooda dhiibtay waxaana haatan socda Codeynta.

Habka loo codeynayo ayaa ah hab qarsoodi ah waxaana xildhibaan walba la siinayaa warqad ay ku qoran yihin Magacyada Musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildibanaabada Baarlamaanka ayaa waxaa loogu yeerayaa habka kala horeynta Magacyada (Alphabetical)  waxaana haadan la marayaa xarafka M ee Luuqada Soomaaliga Wareegii Koowaad ee doorashada ayaana Socneysa .

Wixii warar ah ee ku soo kordha LIVE SBC Online ugala Soco

 

Daalacatey :760

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print