Dood kulul oon Horay Looga Qaban Soomaaliland ayaa xalay ka qabsoontay Magaaladda Hargeysa Taas oo Toos Looga daawanayay Warbaahinta La iska Arko Oo Ay kamid aheyd Warbaahintan SBC,

Muhiimada Madashaasi ayaa aheyd Su’aalo weydiinta Sadexda Musharax ee u taagan Jagada Madaxtinimada ee Soomaaliland, oo Dhawaan ay dadku u codeyn doonaan Sadexda xisbi ee siyaasadeed key doonayaan.

Faysal Cali Waraabe oo matalayay Xisbiga Ucid, Muuse Biixi oo ka Socday Xisbiga Kulmiye ee hada Talada ka sii dagaya iyo Xisbiga Wadani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Cirro Ayeey doodu ka dhaxeysay,

Faah faahin

Doodu waxay ahayd mid saddexda musharax ay fadhiga kaaga jawaabayaan wixii su’aalo ah qaybtii dambe oo kuma dhamaysan taagni in ay ku doodaan, mana jirin in doodu tijaabiso tamarta uu musharax kastaa lee yahay ee uu u adkaysan karo taagni dheer, taas oo ah mid madaxda aduunka ee dood loo qabto astaanta kowaad ee la tijaabiyo ay tahay.

Doodu fadhi raaxo leh ayey ahayd mid ay u fadhiyeen musharaxiintu, hase ahaatee qodobada dooda iyo su’aaluhu waxay kuwo diiriyey fadhigooda qayntii dambe.

Sidoo kale doodu ma ahayn mid musahraxiinta iyo daadihiyeyaashaba loo sheegay muhiimda in ay wax ku gudbiyaan afkooda hooye ee Soomaaliga- Dooda waxa ahayd mid aad muudaysay in erayadii ugu mhiimsanaa ee bulshada wada gaadhi lahaa ay Afka- Ingiriisiga ku yeedhinayeen, waxaan doodu ahayd mid qaybo badan oo ka mid ah u baahan turjumaad ama eray bixin Af-Soomaali ah.

Musharax Faysal Cali Waraabe: Waxay u ahayd fursada uu kaga aarsanayey musharax C/raxman Cirro oo u si gaar ah u abaaray marar badan, Musharax Faysal waxa uu ku weeraray Cirro erayo ka culus kuwii uu ku weeraray musharax Muuse Biixi. Musharax Faysal waxay uu u muuqday nin bulshada u muujinaya musharax Cirro ha isaga u muuqda.

Dhanka arimaha guud ee sida Arimaha Dibada, baabiinta qabyaalaa iwm, waxa uu u muuqday musharaxa aad iskugu bogay oo waxa wax walaba “Aniga” ayuu lahaa, umana hadal sidii musharax koox khabiiro dawlad dhisi kara hogaaminaya.

Musharax Faysal habka u uga jawaabayey su’aalaha waxay ahayd mid kalsooni badani ka muuqato iyo musharax

qorsheyaal meel u yaaleen mudo dheer, wax walaba diyaar u yihiin, .dhanka kale waxa uu ahaa musharaxa doodan sida dheeraadka ah dadka inta erayada afkiisa ka soo wada bixin ay qaar badani sii qoslayeen, waxa uu dooda kaga jiray dhanka madadaalada iyo ka qoslinta, inskatoo ay saga musharax ahaan ka hayd dhab u jaawbis. Musharax Faysal marna ma dhimin xawaaraha uu cod haan ku lalinayey doodiisa, waxaana ka muuqday diiranaan aad uga badan ta labada musharax ee kale.

Faysal doodu waxay u muuqataya xaga xiisaha eray afkiisa ka soo baxa isagaa dadku aad u sugayeen. Musharax Faysal Cali Waraabe mar guul buu kala tagey, oo waxa uu kala tegay guushii weerarkii iyo weerar celiskii dhex maray isaga iyo Musharax C/raxmaan Cirro.

Musharax Muuse Biixi Cabdi: Waxay u ahayd isna fursada uu isku muujiyo in uu aad uga dawan yahay musharax Cirro, weerarkana waxa uu culayskiisa saaray musharax Cirro, mushrax Faysal waxa aad moodaysay in aanu aad u abaarayn.

Hase ahaatee ta uu musharax Cirro ku soo xidhay wax ay ahayd arinka wada hadalada Soomaaliya iyo ka jawaabista arimaha la xidhiidha oo uu musharax Cirro marna eeda wixii khaldamay soo galiyey, marna ku tilmaamay nin aan afka ka difacin Somaliland markay noqot arimaha Soomaaliya.

Musharax Muuse Biixi waxa uu u muuqday nin aad u soo diyaar garoobay, una soo diyaar garoobay musharax Cirro oo uu xataa naqdiyey waayo aragnimadii diblomaasiyadeed ee musharax Cirro u ahayd arimaha uu codka ku doono, sida uu sheegayba in uu kaga duwan yahay musharax Muuse.

Musharax Muuse waxa doodan u muuqday mid jawaabaha ka soo dheegaya barnaamij siyaasadeedka xisbigiisa, jawaabtana lama deg degayn marka loo eego marar badan sida labada musahrax ee kale. Musharax Muuse Biixi waxa ka muuqday doodan mid ka jawaabihiisu ay yihiin kuwo qirasho wixii ka dhibmay xukumada Kulmiye, kuna ladhay wax u qorshaysan oo uu ku saxayo, taas oo u muujisay musharax ka duulaya meel sees hore leh ama wax sixidna u diyaar ah. Mushara Muuse Biixi Cabdi waxa doodani soo saartay in uu yahay musharax hoogamin tiisu ka duwanaan karto labada kalee ee musharax, isla markaanadiyaar u ah in uu abaaro arimaha ugu adag ee dalka yaal. Musharax Muusee Biixi waxa doodiisa ku wajihiyey mustaqabal, waxaanu u muuqday mid xoog u yaraysanaya eedihii musharaxiinta kale.

Musharax C/raxman Cirro: Waxa doodani muujisay sida uu aad uga degan yahay labada musharax ee kale, hase ahaatee waxa kale oo ay muujisay sida aanu eedaha si darban iskaga difaaci karin, Doodan musharax Cirro waxa uu aad iskugi dayey in uu kaga duwan yahay labada kale ee musharax xidhiidhka dibada, isagoo labada musharax ee Muuse iyo Faysal ku duway kuwo kala ah khabiiro midi askari yahay, midna khabiir dhanka dhismaha ah, hase ahaatee taasi uma meel marin markii uu musharax Muuse Biixi Cabdi ku buryey isagoo waayo aragnimadii diblamaasiyadeed ee musharax Cirro ku tilmaamay mid heer xoghayn-hoose ah oo laba sano ku kooban.

Dhanka kale Musharax Cirro waxa uu darbad weyn la helay musharax Muuse Biixi Cabdi oo wixii ka xumaaday xukumada ee la xidhiidhay siyaasada ariaha dibada gurada u saaray siyaasiyiintii ka baxay xukumada iyo xisbiga Kulmiye ee ku biiray xisbiga Waddani, taas oo musharax Cirro u eedayntii xubnaha ku buuray ku reebay siyaasada xukumada Kulmiye.

Musharax Cirro doodan waxa uu ahaa mid ay iskugu tageen labada musharax ee kale marka la qiyaaso inta naqdi iyo dhaliil ee dusha loo saaray. Taana waxa ka dhigay isagoo u muuqday musharaxa ugu nugul, waayo waxa uu dhan kaga jiray saddexda haykal ee Somaliland oo uu ka mid yahay Golaha Wakiilada , waliba ku hogaamiyey mudo kordhin dheer oo todoba sano ah.

Musharax Cirro dooda waxa uu kala tagey dhaawac ka soo gaadhay weerarkii musharax Faysal Cali Waraabe. Hase ahaatee weerarkii labada dhan kaga yimid waxay direen sawir muujinaya in uu yahay musharaxa u baahan in dood kale fursad loo siiyo. Musharax Cirro doodan waxa nabarada ugu badan ku dhigay msuahrax Faysal Cali Waraabe.

Marka la soo af-meero doodii saddexda musharaxa midba dhankiisa ayey u muujisay nooca hogaameed ee uu noqon karo haddii uu guulaysto,Hase ahaatee dood 2aad oo ay iskugu soo noqdaan waay saani u soo muujin kartaa ka ku guulaysan kara doorashada sanadkan

13-ka Bisha Soo socota ee November ayaa La filayaa in Si rasmi ah ay udhacdo doorashada Madaxtinimada ee Maamulka Soomaaliland.