Dood Cilmiyeed mudo 15 maalmood usocday Ardayda Jamacada Bariga Afirka fareceeda Magaalada Garowe ayaa lagu soo gabo gabeeyay, xaflada balaran oo loo qabtay ardaydaan oo ka soo qaybgaleen Masuuliyiin ka socaday Wasarada Waxbarasahda iyo Caafimaadka iyo sido kale Maamulka jamcaca Culumowdiin iyo marti sharaf kale,

Inta aysocotay gabo gabaynta xaflada dood cilmiyeedka waxaa ardaydii ka qaybqadanaysay soo bandhigeen Gabayo lagu xoojinayo afka somaliga oo ay ku saabsnayd dood cilmiyeedku.

Wasir ku xigeenka wasarada waxbarashada Maxamuud Maxamed Idir oo ka hadlay madasha dood cilmiyeedka afka somaliga lagu soo gabo gabanayey ayaa tilmaamay muhiimada Tartanka ardayda oo keeni kara kor u qadid waxbarasho.

Wasirka wasarada Caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi warsame oo isna ka hadlay ayaa sheegay in Tartamada jamacadahu ay yihiin kuwa aqoontu ku dhisato ardayguna ku dhiiri galisay in uu sii wato waxbarashadiisa, isagoo uga mahad celiyay Jamacada Bariga Afrika Fareceeda Garowe howshan ay qabteen .

Shiikh Maxamuud Xaaji Yusuf waa madaxa Jamacada Bari Afrika Faraceeda Garowe waxaana isagoo halkaasi ka hadlayay tilamaya ujeedka laga leeyahay Dood Cilmiyeedka afka somaliga.

Waxaana lagu soo gabo gabeeyay Gabo ay ardaydii soo jeediyeen kuna cabirayeen afka somaliga micna u leyahay oo ay doodu ku sabsanayd

C/naasir yaasiin Salaad
SBC International Garoowe