Dawlada KMG Soomaaliya ayaa soo saartey amar ay ku sheegayso in shirkadaha hawlaha barista & soo saarista shidaalka ka wada deegaanada Puntland inay si deg deg ah ku joojiyaan hawshaasi, isla markaana ay la soo xiriiraan  dawlada KMG.

Wasiirka macdanta,biyaha, tamarta & Patrol-ka  ee dawlada KMG C/risaaq Sheekh Muxiyadiin oo manta shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday in dalwada Soomaaliya ay masuul ka tahay siyaasada & shuruudaha shidaal barista wadanka sida hadalka uu u dhigay, waxaana uu sheegay in looga baahan yahay shirkadaha shidaal baarista wada iyo maamulka Puntland inay arimahaasi kala soo xiriiraan dawlada KMG.

Wasiirka ayaa sheegay inay ka warheleen in shirado caalami ah oo ay ka mid tahay shirkada African Oil ay ku hawlan yihiin sidii hawlo shidaal qodis ah uga bilaabi lahaayeen deegaanada Puntland bisha September ee sanadkan.

Dhinaca kale wasiirku wuxuu sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan hawlo magaalada Muqdisho looga qodoyao 12 Ceel biyood, isgaoo sheegay in Midowga Yurub uu bixinayo 2700,000 (Laba milyan Todobo boqol oo kun oo doolar) oo lagu hirgalinayo ceelashaasi biyaha.

Wasiirka macdanta,biyaha, tamarta & Patrol-ka  ee dawlada KMG C/risaaq Sheekh Muxiyadiin waxaa kale oo uu daboolka ka qaaday in dawlada Finland ay u balanqaaday dawlada KMG Soomaaliya in gacan ka siinayso Soomaaliya sidii baaris loogu sameyn lahaa macdanta ku jirta Soomaaliya, isla markaana shirkad laga leeyahay wadanka Kuwait ay baaris ku sameyn doonto goobaha ugu haboon ee shidaal laga qodi karo wadanka Soomaaliya.

Puntland & xukuumadihii ugu dambeeyey ee Soomaaliya loo soo dhiso tiro ka dhawr jeer ayay gorada isla galeen arimo ku aadan heshiisyada shidaalka, iyadoo muranka arinkaasi ku aadan uu soo taxnaa ilaa iyo xukuumadii Cali Maxamed Geedi.

Axmed Aar
SBC Muqdisho