Dawlada KMG Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inaanu jirin heshiis rasmi ah oo ay la gaareen dawlada Kenya inay gudaha dalka soo gasho ayna kula dagaalanto kooxaha Shabaabka.

Shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha Dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed & Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayay ku sheegeen in ay ogol yihiin in dalka oo dhan laga xoreeyo sida ay sheegeen kooxda Al-Shabaab isla markaana wadamada dariska ah iyo kuwa kale ee AMISOM ay ku taageeraan ciidamada dawlada KMG Soomaaliya.

Iyadoo maalinimdii Isniintii madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu sheegay in ka biyo diidsan yihiin faragalinta Keny ee Soomaaliya oo uu ku tilmaamay inaan lagala tashan ayaa shirkaasi jaraa’id waxay ku cadeeyeen Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha inay isku mawqif ka taagan yihiin arimahaasi.

Hadaba shirkaasi jaraa’id oo su’aalo kala duwan lagu waydiiyey Madaxweynaha & Ra’isalwasaaraha ka dhageyso Link-ga AUDIO hoose.HALKAN KA DHAGEYSO