Dawlada KMG Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay ay bixisay musharaadka ciidamadeeda mudo laba bilood ah oo kala ah biulaha June & May ee sanadkan, kuwaasi oo bixintooda sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay dib ugu dhacdey una suurtagali waydey xaaladaha dhanka siyaasada & military-ga.

Mushaaradkan oo ah bishii $ 100 USD (Boqol doolar) ayaa askari kasta waxaa la siiyey min $ 200 USD (laba boqol doolar) taasi oo ah bilaha May & June, waxaana lagu bixiyey lacagtaasi hab askarta lagu diiwan galinayey oo lagu hubinayey shakhsiyadooda, isla markaana askari kasta oo lacagta qaata laga qaadayey faraha iyadoo la adeegsanayo khadda midibka leh oo faraha sawiraysa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’islawasaaraha oo lagu faahfaahinayey mushaar bixintan ayaa waxaa lagu sheegay in laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii 2010 mushaarad siinta ciidamada ay aheyd mid joogto ah, iyadoo la sheegay in ay sii socon doonto habka mushaar bixinta iyadoo ay bixinayso dawalda cusub.

“Mushaarbixintu waa mid joogto u socon doonto, si aynu u xaqiijinayo daryeelka ciidamadayada, tanina waxay xoojinaysaa inay sare u kacdo niyadooda si ay u sii wadaan, jabinta ama guuldarada xagjiriinta Al-Shabaab, iyo kuwa taageeraya, waxaynuna aad ugu riyaaqaynaa xaaladan taageerada beesha caalamka,taasina waxaa marqaati ka ah horumarka aynu ku talaabsanayno” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga DKMG ahna Kuxigeenka Ra’isalwasaaraha Cabdixakiim Maxamed Fiqi oo ka hadlayey bixinta mushaaradka ciidamada.

DAAWO SAWIRADA

Garaad Salaad Xirsi
Agaasimaha warfaafinta
Xafiiska Ra’isalwasaaraha