Munaasabadan ayaa waxay ka dhacaday gudaha Magaalada Boosaaso waxayna ahayd mid ay Mamulka Puntland ay Qalab kala gadisan oo ah nocyada lagu dayac diro wadooyinka ay  kala wareegayeen Dowlada KMG Soomaaliya Iyadoo ay munaasabadaa ay goob joog ka ahaayeen Mas.uuliyiin ka socday Dowlada KMG Soomaaliya  iyo  Puntland,

Ayaa mas.uuliyiintii ka socotay Dowlada KMG  waxaa ka mid ahaa Wasiiru Dowlah Gadiidka Cirka iyo Dhulka siciid jaamac qoorshel iyo Wasiir ku xigenka Hawlah guud ahna mudane  ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya Xareed Xasan Cali  dhanka Putland waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Dowlada puntland Khaliif Ciise Mudan .Gudoomiyah Gobalka Bari iyo gudoomiyah Hayada jidadkae Puntland Ijineer Xasan Cismaan Cali,

Ugu horayntii waxaa munaasabadaa ka hadlay Wasiiru Dowlah Gadiidka Cirka iyo Dhulka Dowlada KMG Soomaaliya Siciid Jaamac Qorsheel oo isagu ka warbixiyay Qlabkan ay Dowladu u soo dhiibtay maamulka Puntland oo uu sheegay uu yahay mid qayb ka ah wada shaqaynta ka dhaxaysa Dowlada KMG Soomaaliya iyo Mamulka puntland oo uu ku tilmamamy in uu yahay mi aad u wanagsan isa markaana ay rajeeynayaan in uu noqdo mid sii wanaagsanaada wax uu sheegay in qalabkan oo ah kan wadooyinka lagu hagaajiyo uu yahay mid qaybo kala duwan ka kooban sida Babur .Cagafyo iyo qaybo kale oo badan dhamaana ah kuwo cusub .wax kaloo uu ka war bixiyay safaradii uu puntland uu ku joogay baryahan oo uu sheegay in Magaalada Garoowe si wanaagsan loogu soo dhaweeyey isagoo sheegay in mudadii uu garoowe ku sugnaayen ay Madxawyna Puntland ay ka wada hadleen iskaashiga Dowlada KMG soomaaliya iyo Maamulka Puntlan d una meel wanaagsan ugu soo dhamaaday,

Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay Gudoomiyah Hayada Jidadka ee Puntland Injineer  Xasan Cismaan Cali oo isagu u mahad celiyay Dowlada KMG Soomaaliya oo uu sheegay in qalabkan ay soo gaarsiiyeen uu yahay mid wax badan ka tari doona dib u dhisida wadooyinka wawayn ee Puntland sida wadad isku xirta garoowe iyo galkacayo in mudana ay qalabkan oo kale ay sugayeen si ay wadooyinka wax ugu qabtaan.

Waxaa isna munaasabadaa qalabka ay lagu gudoonsiinayay Mamulka Puntland ka hadlay Gudoomiyah Gobalka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo isna mahad aan la soo koobi karin ujeediyay  Mas.uuliyiintii ka socday Dowlada KMG Soomaaliya isagoo sheegay in uu ka dhexeeyo wadad shaqayn Mamulka Puntland iyo Dowlada KMG Soomaaliya ayna jecel yihiin in ay sii wadaan isagoo sheegay in ay uga mahad celinayaan qalabkan ay soo gaarsiiyeen.

Ugu danbayntii waxaa  halkaa ka hadlay Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isna aad ugu mahad celiyay Dowlada KMG Soomaaliya isagoo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac loona bahan yahay in la sii wado isagoo sheegayn in mar walba Puntland ay jeceshahay wanaaga Umada Soomaaliyeed.

intaa kadib ayaa mas.uuliyiintii Dowlada ka socday waxay soo indho indheeyen Suuqa Wayn ee Magaalada Boosaaso oo isagu Gubtay  Sabtidii la soo dhaafay.

Waxaa halkaa ka hadlay wasiiru Dowlah oo gadiidka  Cirka iyo Dhulka isagoo sheegay in uu mantay ku faraxsan yahay in uu yimaado suuqa magaalada Boosaaso indhihiisana ku arko, isagoo sheegay in uu hada arkay qasaare aad u baaxad wayn isagoo umada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay isu taagan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen walalohood gaar ahaan wax uu baaqa u diray Soomaalida Qurba joogta ah  isagoo sheegay in Dowlada KMG Soomaaliya ay mar walba garab tagantahay shacabka Soomaaliyeed meel walbay joogan.

Imaatinka Mas.uuliyiinta ka socda Dowlada KMG Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmaysaa xili suuqa Wayn ee Magaalada Boosaaso uu basbeele sabtidii an soo dhafnay habeenimadeedi.

DAAWO SAWIRO


Sawiradii booqashada Suuqa



Axmed Maxamuud Axmed
SBC International Boosaaso