Muqdisho- Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa kuwaramaya in aroornimadii Hore ee Saaka oo khamiis ah ay laba diyaaradood oo nooca Duuliye la’aanta ah ay duqeymo ka geysteen Deegaano u dhaxeeya Kismaayo & Dhoobley oo Gobolkaasi ka tirsan.

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in duqeyntaasi ay jirto waxaana ku dhintay 4 qof 12 kalana waa ku dhaawacmeen .

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Alshabaab oo ka arimiya Magaalada Kismaayo oo ka mid ah goobaha La duqeeyay ee ay ciidamada Mareykanku ku tureen gantaalada.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo ka tirsan Alshabaab ay sheegteen inay soo rideen wax ay ku tilmaameen Diyaarad nooca duuliye la’aanta ah oo duqeymo ka geysanaysa Gudaha Magaalada Dekada Leh ee kismaayo

Dhinaca kale Ma jirto war ka soo baxay mareykan oo ku aadan duqeyntan cusub inay iyagu geysteen iyo inkale wallow ay horey u sheegeen Mareykanka iyo xulufadiisu inay wadi doonan Beegsiga Kooxaha Alqaacida ku xiran ee Alshabaab.

Dowlada Mareykanka sidoo kale kama hadlin in mid ka mid ah diyaaradahooda la soo riday iyo inkale hase ahaate Xarakada Alshabaab ayaa warbaahinta ka sheegtay warkaasi

Dalka soomaaliya waa dalka Lixaad oo ay ka howlgalaan Diyaaradaha Duuliye la’aanta ah ee ay isticmaalaan Meleteriga Mareykanka horey mareykanka waxaa uu diyaaradaha uga howlgeliyay wadamada Afghanistan,Paksitan,Libiya,Ciraaq,Yemen iyo dalka Soomaaliya.


SBC International Monitoring