Diyaarado duqeyn ka geystay tuulooyin ku yaala gobolka Gedo

Diyaarado loo maleynayo in ay leeyihiin ciidamada Cirka dalka Kenya ayaa maanta duqeyn ka geystay Deegaano u dhow magaalada Garbagaarey xarunta gobolkaasi Gedo halkaas oo ay ku sugnaayeen xoogaga xarakada ALshabaab sida wararka ay sheegayaan.

Duqeynta ay geysteen dayuuradahan ayaan la xaqiijin karin khasaaraha ay geysteen, marka laga reebo saraakiil ka tirsan ciidamada DKMG ah ee ku sugan gobolkaasi ay sheegeen in khasaare ba’an ay ka soo gaartay duqeymahaasi xarakada Shabaab Almujaahidiin.

Ma ahan markii ugu horeysay ee ay duqeymo ceynkan ah ka dhacayaan gobolka Gedo qeybo ka mid ah, waxaana ay aheyd mudooyinkii ugu dambeeyay mid soo laalaabata hawada goobahaasna laga dareemi karay guuxa diyaaradaha nooca duqeymaha lagu geysto ah.

Waxii faah faahin ah kala soco wararkayaga dambe.

Daalacatey :361

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print