Diyaaradii hogaamiyihii Liibiya Col. Muammar al-Qaddafi oo la la’yahay meel uu jaan & cirib dhigay ayaa waxaa gacanta ay u gashay kooxaha mucaaradka kuwaasi oo dhawaan qabsadey magaalada caasimada ah ee Tripoli.

Diyaaradan oo ah nooca raaxad aad u qaali ah waa nuuca Airbus A340  wuxuu Col. Qadaafi iibsadey sanadkii 2003-dii waxaana ay ugu fadhiday 120 milyan oo doolar.

48 saac ka hor ayaa diyaaradaasi oo lagu qariyey god dhulka hoostiisa ah oo ku yaal garoonka diyaaradaha ee magaalada Tripoli iyadoo laga cabsi qabey inay waxyeelo u geystaan duqeynta diyaaradaha dagaalka NATO ku hayeen Liibiya lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Diyaaradan oo leh calanka wadanka Liibiya ee uu Qadaafi sameeyey ee cagaarka ah waxaa uu u bixiyey magaca Afriqiyaha Airways, waa diyaarad la mid ah guri raaxo waxay leedahay adeeg kasta oo guri raaxo uu leeyahay.

Xafiisyadii qalabka quruxbadan uu yiil, qolalkii mucjisada ahaa ee qaaliga ahaa ee diyaarada gudaheeda ku rakibnaa ayaa waxaa laga daawaday iyadoo ay qoryo la dhex joogaan marcyo calas xitaa aan Tuuse ciidan & haykal dawladeed midna laheyn.

Diyaaradan waxaa ka mid ahaa soo jiidashada indhaha caalamka ee ay yeelatey ka dib markii sanadkii 2009-kii Col. Qadaafi uu si gaar ah ugu diray inay wadanka UK ka qaado Abdelbaset al-Megrahi oo u xirnaa qaraxii diyaaradii PAN AM eek u dhacdey Scotland UK, xiligaasi oo uu diyaarada la socdey Col. Qadaafi wiilkiisa Saif al-Islam al-Qaddafi.

Video qosol leh diyaaradaasi oo ay hub la dhex joogaan maleeshiyaadka mucaaradka ee hubaysan link-ga hoose ka daawo.

HALKAN KA DAAWO

SAWIRADA