Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle, maanta waxaa ka degay lix Diyaaradood oo Qaad sida.

Diyaaradahan ayaa ahaa kuwii subax walba ka degi jiray garoonka diyaaradaha Muqdisho, ganacsatada qaadka ayaa qaatay go’aan adag oo ah in aysan qaad ka dejin garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii canshuuro dheeraad lagu kordhiyay.

Xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, ayaa waxa ay xaqiijiyeen in diyaaradahaasi ay ka dageen Magaalada Jowhar oo Shan ka mid ah ay ka degi jireen Muqdisho, halka mida lixaadna ay tahay mid maalin kasta Jowhar ka degta.

Baabuur fara badan ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Jowhar, kuwaasoo diyaar u ah inay qaadka u soo qaadaan Muqdisho oo safar dhanka dhulka ah ku geeyaan, taasoo noqoneysa markii u horeysay muddo 7 sanno ah oo qaadka safar dhulka lagu geeyo, tan iyo xiritaankii garoonka diyaaradaha ee Nambar 50.

Ammaanka garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ay sugayeen ammaanka ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin arintaan, sidoo kale Dowladda oo qarash fara badan ka soo geli jiray maalin kasta qaadka, maanta wax qarash ah kama soo gelin oo lacagti Dowladda ay qaadan jirtay maanta waxaa qaatay Maamulka Hirshabeelle.