Waxaa lagu soo waramayaa in inkabadan 20 gantaal ay ku dhaceen magaala madaxda dalkaas ee Tripoli.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Libya oo lagu magcaabo Ibraahim Muusa ayaa sheegay in duqeymahaas ay ku nafwaayeen 3 qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen 50 kale .

Goobaha ay gantaalada kadhaceen ayaa waxa kamid ah baabal Casiisiya oo ah Qasriga Qadaafi iyo saldhigyo lagu sheegay in ciidamo mutadawaciin ah ay degnaayeen.

Dhismayaashaas ayaa duqaynta kadib waxaa ka dhashay dab,waxaana TV yada laga daawaday iyadoo kooxaha dab damisku ay ku hawlan yihiin daminta dabkaas.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Russia ninka lagu magcaabo Serjey Lafaroof ayaa ku tilmaamay Waxa kasocda wadanka Liibiya in ay tahay wax khilaafsan Qaraarkii UN ka ee ahayd in cuna qabateyn hawada laga saaro wadanka Liibiya iyo in ciidamada laga ilaaliyo dadka rayidka ah ee ka soo jeeda dhinaca falaagada.

Dadka indha indheeya siyaasadda ayaa aaminsan in dagaalka ka socda dalka Liibiya uu u muuqdo mid lugaha la sii galaya dagaal sokeeyey.

Sidoo kale dalalka ku yaal maqrib alcarabi ayaa aaminsan in dagaalada ka socda libya ay sababi karaan in gobolka oo dhan uu galo dagaal sokeeye iyo in wadamada maqribka loo yaqaan qas lagaliyo.

 

Ustaad C/xakiim Maxamed Cumar
SBC International Monitoring