Xooghaya Difaaca Dowlada Ingiriiska Liam Fox ayaa sheegay in ay guulaysteen duqayno ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka nooca loo yaqaan RAF Tornados.

Liam Fox waxaa uu sheegay duqaynadu in ay ahaayeen kuwo abaaraya goobaha ay yaalaan gantaalada iyo weliba hubka culus ee ay adeegsanayaan   ciidamada ka amar qaata Korneel Mucamar Al qadaafi.

Diyaraadaha dagaalka oo tooganaya meela fog fog ayaa waxaa ay burburiyeen Labo Konteenar oo ay ka buuxaan gantaalada ridada dheer,kuwaasi oo yaalay meel ku dhow magaalada Sirta ee bartamaha dalka Libya.

Howl galkan cusub ee ah duqaynada diyaaradaha ayaa imaanaya xili ay sii kordhayso duqaynta arxandarada ah ee sida ay sheegayaan reer galbeedku ,ay Ciidamada Korneel Qadaafi la beegsnayaan goobaha ay Mucaaradku gacanta ku hayaan ee Magaalada Misrata.

Ciidamada isbahaysiga Nato oo iyagu haatan ka masuul ah,howl galka lagula dagaalamayo nidaamka Korneel qadaafi ayaa waxaa ay dhinacooda ku adkaysanayaan in ay sii wadayaan duqaynada tan iyo inta Mucamar Al qadaafi xilka ka degayo.

Xuseen Xuska
SBC International Monitoring.