Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa ku waramaya in goor dhow ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aadan cade International Airport Diyaarad laga leeyahay Dalka Turkiga taasi oo qaaday dhaawaca dadkii wax ku noqday Qaraxii Muqdisho.

Dowlada turkiga ayaa qaaday ku dhawaad 36 qof oo qabay dhaawacyo daran oo gubasho ah kuwaasi oo la doonayo in lagu dabiibo Isbitaalo caafimaad oo ku yaala wadanka turkiga.

Saacadihii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii masuuliyiinta Soomaaliya Iyo turkiga ay ka wada hadleen sida loo caawin lahaa dhaawacyada halista ah gaar ahaan daweyntooda oo lagu tilmaamay mid si aad ah ugu baahan gargaar caalami ah.

Dadkan uu daweynta u qaaday turkiga ayaa u badan ardey iyo ehelkood kuwaasi oo ku waxyeeloobay qaraxii ay alshabaab ku bartilmaameedsatay goob ay ku tilmaameen inay joogeen Ciidmo.

Maxamed Deeq Cabdalla
SBC International Monitoring
Mdeeq@allsbc.com