Diyaarad sida Ciidamo ka socda dowlada Dalka Jabuuti ayaa Goor dhow ka soo degtay Garoonka diyaaradaha Aadan Cade Airport ee Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho .

Xubno ka kala socota Dowlada Dalka Jabuuti iyo golahaayaasha Dowlada Soomaaliya oo uu horkacayo raiisul wasaaraha Dowlada KMG ah ayaa ku sugan Garoonka diyaaradaha kuwaas oo halkasi soo dhaweyn uga sameyay Ciidamada Dalka Jabuuti ee soo degay.

Ciidamada Dowlada Jabuuti ayaa noqonaya sida la filayo tiro kor u dhaafeysa boqolaal oo iminka soo degay, waxaana ilaa iyo iminka aan la xaqiijin halka sida rasmiga ah ee ay Muqdisho ka degayaan waana dalkii sadaxaad ee Soomaaliya ciidamo u soo dira marka laga tago 2da dal waa Uganda iyo Burundi oo iyaga ciidamo ay ka joogaan Muqdisho.

Ciidamada ayaa ka mid noqonaya Howlgalka ciidamada Nabad ilaalinta Amisom waxaana la filayaa in dhankooda ay ka fuliyaan Muqdisho howlaha ku aadan Nabad ilaalinta .

Ciidamada Ayaa iminka ka soo degaya Diyaaradii ay saarnaayeen waxii warar ah eek u soo kordha kala soco wararkayaga dambe.\