Dowladda Turkiga ayaa ku baaqday shir deg deg ah oo looga hadlaayo arrimaha amaanka kadib markii ay soo shaac baxeen warar sheegaaya in diyaarad nooca dagaalka oo ay iska leeyihin Ciidanka Cirka ee Turkiga ay soo rideen Ciidamada dalka Suuriya.

Milateriga Turkiga ayaa sheegay in ay xiriirkii diyaaradda la lahaayeen ay waayeen xilli ay maraysay gobolka Koonfur Galbeed ee Hatay oo dhacda Badwaynta Mediterranean.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Rajab Dayibb Erdogan ayaa Shir Jiraa’id ka sheegay in aysan xaqiijin Karin sababta keentay diyaaradda in ay dhulka kusoo dhacdo,iyadoo sidoo kale laga war hayn nolol iyo geeri dadkii la socday.

Xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Suuriya ayaa sii xumaanayay waayadan iyadoo mar dhacday in ay kala xirtaan xuduudaha.

Dowladda Turkiga ayaa kasoo horjeeda Siyaasadda Madaxweyne Bashar Al-Asad iyadoo kasoo horjeeda dhibaatooyinka ay dalkaas ka geysanayaan Ciidanka Suuriya.

Suuriya ayaan weli ka hadlin diyaaradaan nooca dagaalka ee laga leeyahay Turkiga oo lagu la’ayahay dalkeeda laguna magacaabo F-4 Phantom.

Maxamuud Fantastic
SBC International Boosaaso