Waxaa si kordhaya dilalka loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadamada Waqooyiga Ameerika gaar ahaan Canada & Mareykanka, iyadoo dilalkaasi ay noqdeen tusbax afka laga furey.

Dilalkan ayaa lagu beegsanayaa dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 10 sano waxaana dilkii ugu dambeeyey loogu geystey  magaalada  Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jirey Naciim Bashiir Jaamac ayaa waxaa la diley habeenimadii ugu dambeeyey ee bisha Ramadaan isagoo xiligaasi ka soo baxay Masjidka Abuubakar A Sadiiq ee Minneapolis xiligaasi oo uu ku socdey guri qoys ay qaraabo yihiin oo uu la joogay  waxaana la sheegay inuu u la socdey wiil ay saaxiibo ahaayeen.

Warbaainta gobolkaasi ayaa sheegay in ay Booliisku baaritaan ku hayaan  cida dishey wiilkaasi oo madaxa qaybta dambe ka toogatey.

Bille Faarax oo adeer u ah wiilka la diley ayaa Telefishinka KSTP in aanay aqoon sababta loo diley Naciim oo uu ku sheegay in uu ahaa wiil wanaagsan oo aad loo jeclaa isla markaana dadka oo dhan ay si weyn u wada garanayeen wanaagiisa.

Naciim ayaa la sheegay in uu ka yimid magaalada Columbus ee gobolka Ohio waxaana uu u yimid qoys ay qaraabo yihiin oo degan Minneapolis.

Dilka Naciim ayaa ah kii ugu dambeeey dilal taxane ah oo loo geysanayo dhalinyarada Soomaaliyeed iyadoo dilalkaasi ay sii kordhayaan sanadba sanadka ka dambeeya.

Link Video hoose ka daawo muuqaalkii goobtii lagu diley Naciim, Masjidkii uu ka soo baxay & qaraabadiisa oo ka hadlaya.

DAAWO

Yaasiin Faradheere
SBC International
yaasinfaradheere@hotmail.com