Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi ay ka dhaceen dilal kala duwan oo lagu beegsadey dad rayid ah.

Dilkii ugu horeeyey ayaa lagu diley sarkaal ka mid ahaa hay’ada PDRC ee ka hawlgasha deegaanada Puntland, sarkaalkaasi oo lagu magacaabi jirey C/qaadir Yaasin Jaamac kaasi oo ka dhacay agagaaraha Hote Guure ee ku yaal waqooyiga magaalada Gaalacyo.

Marxuumka ayaa la sheegay inay toogteen kooxo ku hubaysnaa baastooladu waxaana dilkiisu uu noqonayaa kii labaad oo loo geysto masuul ka tirsan hay’ada PDRC iyadoo magaalada Garoowe bishii April lagu diley Marxuum Maxamed Yaasiin Ciise ‘Ilkacase’ oo ka mid ahaa maamulka hay’ada PDRC.

Sidoo kale isla caawa waxaa lagu diley magaalada Gaalkacyo nin rayid ah oo lagu magacaabi jirey C/qaadir Nuur  oo ka mid ahaa darawalada basaska magaalada kaasi oo ay dileen kooxo hubaysan.

SBC News Desk