Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 6-6-2015 ka qeyb-galay xafladda xiritaanka wajiga koowaad ee tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland iyo daahfurka wajiga labaad.

Munaasibadaan oo ka dhacday hoolks shiraraka ee PDRC ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Waasiiro, xildhibaano, agaasimayaal katirsan wasaaradaha iyo madaxtooyada Puntland,  waxgarad, haween , dhalinyaro, fanaaniinta waaberi Puntland iyo masuuliyiin kale.

Gudiga farsamada iyo dib-uhabaynta shaqaalaha dawladda Puntland ayaa madasha ku soo bandhigay natiijada rasmiga ah ee ka soo baxday wajiga koowaad ee shaqada loo idmaday , halka iyana kooxda waaberi Puntland hab suugaaneed ugu soo bandhigeen shaqada adag ee gudigaas qabteen.

Hadafka laga leeyahay dib u eegista iyo habaynta maamulka shaqaalaha dawladda Puntland wuxuu ku salaysan yahay in qofkasta oo kamid ah shaqaalaha dawladda uu helo aqoonsi iyo macluumaad la xiriir sida go’aanka shaqaaleynta , dalacsiinta, fasaxyada. anshaxmarinta , ruqsaynta , geerida iyo wixii lamid ah .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in hirgelinta  tirakoobka iyo diiwaangelinta shaqaalaha dawladda Puntland uu qeyb ka ahaa balanqaadyadii uu sameeyey oo fulay, waxaana uu si aad ah ugu mahadceliyey gudigii uu howshaa u xilsaaray oo si wanaagsan ugutay waajibaadkii shaqo ee uu faray.

” Waa muhiim in lahelo tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda lagana warhayo habka ay u shaqeeyaan , hadana waxaa noo soo dhammaaday wajigii koowaad ee ahaa in tirada saxda ah ee shaqaalaha dawladda la helo ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa guud ahaan shacabka reer Puntland ugu bishaareeyey in dhawaan la soo dhisi doono hay’adda tababarka shaqaalaha oo la rajeynayo in shaqaalaha Puntland aysan meel kale u aadin tababar, aqoontoodana kor loogu qaadayo dalka gudihiisa.

Maalinba maalinta ka dambaysa waxaa si hamsami leh u fulaya balanqaadyadii uu sameeyey Madaxweynuhu xiligii doorashada, waana arrin aad u wanaagsan oo niyad sami gelinaysa shacabka reer Puntland oo kalsooni buuxda ku qaba dawladooda.

Daawo sawiradda:

IMG_7437 IMG_7439 IMG_7444 IMG_7450 IMG_7455 IMG_7458 IMG_7462 IMG_7475 IMG_7485 IMG_7493 IMG_7494 IMG_7495 IMG_7497 IMG_7499 IMG_7503 IMG_7506 IMG_7507 IMG_7508 IMG_7511 IMG_7516 IMG_7517 IMG_7529 IMG_7531 IMG_7532 IMG_7535 IMG_7537 IMG_7541 IMG_7544 IMG_7545 IMG_7556 IMG_7560 IMG_7568 IMG_7584 IMG_7599 IMG_7613 IMG_7634 IMG_7650 IMG_7660 IMG_7661 IMG_7663 IMG_7672 IMG_7679 IMG_7680 IMG_7681 IMG_7690 IMG_7694 IMG_7697 IMG_7698 IMG_7700 IMG_7701 IMG_7704 IMG_7709 IMG_7711 IMG_7725 IMG_7732 IMG_7736 IMG_7751

WARBIXIN