Raxan Diin diin arwaaxi hayso ayaa gabi ahaanba hakad hawlihii duulimaadka diyaaradaha garoonka John F Kennedy (JFK) ee magaalada New York ee wadanka Mareykanka, kuwaasi oo xiray dhabaha(run way) diyaaraduh ku ordaan ee garoonka.
150 diin diinkaasi ka kooban oo qolof weyn isla markaana lab & dhedig isku farasaaraya ayaa gabi ahaanba  xiray dhabaha diyaaruhu ku cararaan waxaana la sheegay in Diin Diinku uu doonayey in uu ka gudbo dhabaha diyaaraduhu ku cararaan si ay u gaaran dhinaca kale ee xeebta si ay ukumo u dhigaan.

Xerada lagu xanaaneeyo xayawaanaadka ee Jamaica Bay Wildlife Refuge ee kaabiga ku haysa garoonka diyaaradaha.

 Ron Marsico,oo ah afhayeenka hay’adda Port Authority of New York oo ah shirkada gacanta ku haysa hawlaha garoonka diyaaradaha JFK ayaa sheegay in sanad kasta dhamaadka bisha June ama bilowga bisha July ay diin diinku ku soo cararaan garoonka iyagoo doonaya inay u gudbaan dhanka xeebta halkaasi oo ay dhigaan ukumaan ama ugxan.

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com