Taliska ciidamada Boliska DFKMG  Soomaaliya ayaa maanta soo saarey digniin ku aadan weeraro qarax oo xarakada Al-Shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo waa sida uu hadalka u dhigaye ay kuy doonayaan inay ugu aargudaan hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida ee ay Mareykanku ku dileen wadanka Pakistaan.

Afahayeenka Boliska dowlada KMG Soomaaliya Col. C/laahi Xasan Bariise oo shir saxaafadeed ku qabtey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay heleen xog ku aadan weeraro qarax oo ay Al-Shabaab fuliyaan, isagoo sheegay in sidoo kale ay cadeynayso arintaasi hadaladii ay dhawaan jeediyeen hogaamiyeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo ay ka mid ayihiin Sheekh Xasan Daahir Aweys & Sheekh Fu’aad Maxamed Shangole, iyagoo ku hanjabay inay u aargudi doonaan Cusaama Bin Ladin.
 C/laahi Xasan Bariise, Afhayeenka Ciidamada Booliska DKMG Soomaaliya wuxuu xusey in xogta Booliisku ay heleen ay tahay in 7 qof oo isqarxinayasa la diyaariyey, kuwaasi oo uu sheegay inay Muqdisho ka geysan doonaan weeraro isqarxin ah, waxaana uu xusey in 7-daasi qof lagu diyaariyey kulankii dhawaan ka dhacay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Col.Bariise wuxuu farta ku fiiqay in ciidamada Booliiska ay ku jiraan heegan iyo diyaar garow ay uga tooghayaan weeraradaasi ayu damacsan yihiin Al-Shabaab, waxaana uu ugu baaqay qaybaha Booliiska inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

SBC News Desk